Post View....

Somaliland oo shaacisay arrin ay ku lug leedahay DF oo ay u joojin weysay duulimaadyada Ethiopian Airlines

0
59

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa si faahfaahsan uga hadlay sababta ay diyaaradda Ethiopian Airlines uga degto Hargeysa, iyadoo la joojiyey duullimaadyadii kale.

Wasiirka ayaa sheegay in Ethiopia Airlines ay u hiilisay Somaliland oo ay diiday amarka dowladda federaalka ah markii ay mamnuucday diyaaradaha caalamiga ah, sidaas darteedna ay iminka ayagana fasaxeen duulimaadyada shirkaddaas xilli kuwii kale la joojiyey.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey markii ay dowladda federaalka xariyaada ku soo rogtay duullimaadyada ay diyaaradan Ethiopian Airlines noqotay tan kaliya ee ka shaqeysa danta Somaliland.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in dowladda federaalka ay isku khilaafeen joojinta duullimaadyada, iyadoo markii dambe la isku raacay sida uu sheegay in Ethiopian Airlines ay Somaliland kasii wado duullimaadyadeeda, isagoo xusay in hadii  ay xaalad degdeg ah ku timaado Somaliland ay diyaaraddaas oo kaliya ku tashaneyso.

“Hadii ay xaaladu sii adkaato ama wax un soo kordhaan dhaqdhaqaaqa kaliya ee aan leenahay waa Ethiopian Airlines, dowladeeduna waa nala ogoshahay, qolada kalena waxaan ka rajey heynaa inay nagula shaqeeyaan, hada dadka ay diyaaradu keento wey soo yaraanayaan oo maanta afar qof oo keliya ayaa la socotay, waxaana kula heshiinay in aysan soo qaadin dad ka imaanaya dalalka uu xanuunkani sida aadka ah u saameeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sidoo kale ka hadlay qaadka laga keeno Itoobiya ee soo gala deegaanada Somaliland, waxuuna sheegay in xaalada dalka Itoobiya ay hada kasii dareyso oo kiisaska laga soo sheegayo ay 50 kiis kusii dhawyihiin, isla markaana ay muhiim tahay in tallaabo la qaado.

“Qaadku waxa uu ka yimaadaa deegaanada ugu dadka badan Itoobiya, in aan tallaabo ka qaadnana wey haboontahay, laakiin waan dooneynaa tallaabo la isla ogyahay, iyaga waan la balansanahay hadey yihiin ganacsatada qaadka Itoobiya, si aan la isu eryan oo dagaal kale uusan noogu furmin, marka waxaan dooneynaa barnaamij uruursan oo aan bulshadana ku wacyi gelino, ganacsatada qaadkana aan ka waxyi gelino, in aan ku dhaqaaqno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Wasiir Kaahin.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in dadka ka ganacsada qaadka ay aad u badanyihiin, haatana hadii laga joojiyo aysan xukuumaddu shaqa u heyn, taas oo ku qasbeysa in la isku dheeli tiro go’aanada soo baxaya, sida uu hadalka u dhigay.

About Author