Post View....

Sheekh Cali dheere “Sida aan ula dagaalano ciidamada Burundi iyo Uganda si ka daran ayaan ula dagaalami doonaa…”

0
82

Dhaq dhaqaaqa  Al Shabaab ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay shir wadatashi ah oo dhowaan ay yeesheen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed,culimaa’udiin iyo hoggaanka Xarakada kaas oo looga arrinsanayay halganka ay Al-Shabaab ka wado Geeska Afrika.

Sheekh Cali Dheere oo ah Afhayeenka Xarakada Shabaab ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu uga hadlay arrimo badan oo ku saabsan shirkii soo idlaaday iyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku goodisay in ay si adag uga hor tagi doonto doorashooyinka ay DF-ka iyo beesha caalamka ka qaban qaabinayaan dalka marka la gaaro sanadda 2021-ka, Sheekh Cali dheere wuxuu sheegay in doorashada iyo kuwa wada ay ula dagaallami doonaan si ka daran sida ay ula dagaallamayaan ciidamada Burundi iyo Uganda.

About Author