Post View....

Sawirro:Madaxweyne Qoor qoor Oo xildhibaanadii mucaaaradka ku ahaa N&N Udiray MD Xaaf

0
62

Madaxweynaha Galmudug Ee Weli la dhaarin Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa waxa uu ergo udirsaday Hogaamiyaha Galmudug ee weli sheeganaya inuu yahay Madaxweynaha Sharciga Ah Axmed Ducaale Xaaf.

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayna ka mid yihiin Saabir Shuuriye iyo Mahad Maxamed Salaad ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Gaalkacyo.

Senetor Cabdi Xasan Cawaale iyo Xubno kale ayaa hore ugu sugnaa Gaalkacyo waxayna soo dhaweyn kadib la kulmayaan Wafdigaan Xildhibaanada Ah Axmed Xaaf.

Sida qorshaha uu yahay Xaaf waxaa la filayaa inay Xildhibaanadaan kasoo ogoleysiiyaan in Xaflada Caleemo saarka kaga qeyb galo Dhuuso mareeb.

     

About Author