Post View....

Sawirro:Kuxigeenka Axmed Qoor Oo Qorshe Cajiib Ah Ka Bilaabay Dhuuso mareeb

0
52

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane, Cali Daahir Ciid, ayaa Xalay Casho Sharaf usameeyay Xilibaanada haweenka ah ee kujira Baarlamaanka DGGM, iyo qaar ka mid haweenka Golaha Shacabka JFS.

Casho Sharaftan ayaa daaraneyd hambalyada doorashada Gudoonka Cusub ee haweenka barlamanka Galmuudug (KOKOS).

Casho sharafta waxaa ku sugnaa haweenka barlamanka oo aay hugaamineyso Marwo, Faadumo Faandhe, Gudoomiye ku xigeenka Barlamanka DGGM, Sidoo kale waxaa casho sharafta ka soo qeyb galay xilibaano ka tirsan haweenka Golaha shacabka JFS.

Mudane Cali Ciid , ayaa haweenka Barlamanka ugu hambalyeeyay Doorashada hogaanka haweenka Barlamanka DGGM waxa uuna u rajeeyay wadashaqeyn iyo Wada jirka Galmudug oo aay haweenku Hurmuud u yihiin.

Madaxweynaha ayaa gudonka kokos u balan qaday in Xukuumada Galmudug ay garab istaagi doonta gudoonka cusub ee haweenka Barlamanka Galmudug

Waxa uu sido kale Madaxweyne kuxigeenka kula dardarmay Haweenka Barlamanka Galmudug in ay ka shaqeeyan hormarinta hawen weynaha Galmudug.

          

About Author