Post View....

Sacuudiga oo Muslimiinta Caalamka ku wargelisay In Sanadkaan Xajka iyo Cumrada inay dib u dhigtaan.

0
52

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka codsatay dhammaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida in ay dulqaad muujiyaan islamarkana ay dib u dhigtaan qorshahooda Xajka iyo Cumrada ee sanadkan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Corona awgii ay tahay in Musliminta ay dib u dhigtaan qorshooyiinkooda Xajka.

Wasiirka arrimaha Xajka iyo Cumrada, Dr. Maxammad Saleh bin Taher Benten, ayaa sheegay in Sacuudiga ay mar walba diyaar u yihiin inay qaabilaan islamarkana ay u adeegaan Xujeyda, balse iminka mudnaanta la siinayo badqabka qof walba.

“Sacuudi Carabiya ayaa imika daryeel siinaysa 1,200 oo qof uu cumara u tagay kuwaasi oo aan dalkoodii u laaban karin, sidoo kale waxaan lacagaha u celinaynaa dadka la siiyay dal ku-galka Cumrada, balse aan cumraysan,” Benten ayaa sidaasi u sheegay telefishinka al-Ekhbariyah.

Xukuumadda Sacuudiga ayaa horey u joojisay in lagu dhawaafo Xajarul Aswadka, iyada oo laga cabsi qabo faafidda caabuqa Corona.

Xajka ayaa ka mid ah 5-ta tiir ee Islaamka islamarkana laga rabo qof walba oo Muslim ah oo dhaqaala ahaan awooda in uu hal mar soo Xajiyo.

About Author