Post View....

Qorshaha DF ay danjire Fiqi uga dhigtay guddoomiyaha baarlamanka K/Galbeed

0
95

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka gudubtay hal arrin oo ku heysay walaac xoog leh taas oo aheyd in aysan heysan kalsooni buuxda oo ay ku qabto sii heysashada maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa Koonfur Galbeed madaxweyne uga dhigtay Cabdicasiis Lafta-gareen balse waxay aaminsaneed maamulkaas oo aan laheyn madaxweyne ku-xigeen iyo baarlaman shaqeeya in uu Lafta-gareen is badali karo, kana hor-iman karo, halkaasna ay ku dhamaan doonto rajadii xukuumadda ee maamulkaasi.

“Si loo adkeeyo kalsoonida aan ku qabno maamulkaas waxaa Fiqi ka dhignay guddoomiyaha baarlamaanka waana qof looga kalsooni ogyahay madaxweynaha, wixii hada ka dambeeya xaalku waa hagaagsan yahay, halka markii hore aan ka cabsi qabnay in madaxweynaha uu is badali karo ayna jirin meel kale oo tiigsano,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, islamarkaana qaabilsanaa la socoshada doorashada Koonfur Galbeed.

Qorshaha DF ay danjire Fiqi uga dhigtay guddoomiyaha baarlamanka K/Galbeed

Danjire Cali Saciid Fiqi oo ahaa safiirkii Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana la aaminsan yahay in halkaas loo geeyay in lagula dagaalamo haddii uu mucaarad isu beddelo madaxweyne Lafta-gareen oo Xukuumadda Soomaaliya aysan ku qabin kalsooni buuxda maadaama Koonfur Galbeed aysan laheyn madaxweyne ku-xigeen awoodaha maamulkana ay hoos yaalaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa la aaminsan yahay inuu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay muddo dheer saaxiibo ahaayeen, sidoo kalane ay iska warqabaan madaxda kale ee Xisbiyada waana sababta Xukuumaddu ugu aragtay in ay awoodaheeda ku ballaariso Koonfur Galbeed.

Saameyn weyn ma yeelan doorashadii shalay ka dhacday Baydhabo waxayna hadal heynteed aad ugu yareed baraha bulshada iyo warbaahinta, maadaama horey loo sii ogaa natiijada.

About Author