Post View....

Qaad si dhuumalaysi ah loo soo galin rabay degmada Baardheere oo dab la qabadsiiyay.

0
97

Muqdisho:-Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Jooga baraha koontarool ee laga soogalo dagmada Baardheere ee gobolka Gado ayaa qabtay Qaad si sharci daraha loo soo galin rabay magaaladaas iyadoona ugu dambayn aroorti hore ee saaka lagu gubay bartaha Magaaladan Baardheere.

Sarakisha Ciidamada ururka 49aad guutada 10aad Qaybta 43aad ee Ciidanka Xooga Ayaa shacabka oga digay isticmaalka maandooriyahan iyo qatarta fidida Cudurka Covid19.

Xidigle Daa’uud Hafow Cali Taliyaha amniga magaalada Baardheere ee Ciidamada xooga dalka ayaa ka wabixiyay Sida lagu so qabtay Qaadkan waxaana mar kale uu ku celiyay in Cidi lagu helaa Qaad ay sidan oo kale oga hortagayaan lana ogalaanayn in Baardheere Cudur lagu dhax iibiyo.

About Author