Post View....

Maxaabiistii MD Farmaajo Cafiska U Fidiyay Oo Maanta Lasii Deynayo & Kuwo Shabab ah oo kujira

0
77

Maxaabiistii uu dhawaan Cafis Madaxweyne u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaayo  ee ku jira Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa maanta laga sii deynayaan Xabsiga dhexe, waxaana haatan ku sugan Xeer illaaliyaha guud ee Qaranka Saleeban Maxamed Maxamuud.

Maaxaabiistaan ayaa tiradoodu tahay 148 hase ahaatee kuma jiraan dad galay dambiyo culus.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus.

Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkan.

 

About Author