Waxaa shalay ay shaqaaqo la mid ah middii Beled-Xaawo iyo Mandheera ay ka dhacday xadka Itoobiya iyo Kenya oo lagu xabadeeyay god ay xadka ka qodayeen Kenyan-ku.
Waxaa arrintaas dood ka keenay siyaasiga Faarax Macallin ayaa is waydiiyey sababta aysan Kenya oo xad kasta oo ay leedahay ay deggan yihiin hal qowmiyad oo labada dhinac xadka ka deggan aysan godad uga qodaynin xadadka Tanzania iyo Uganda, balse ay ugu ordayso inay xirto kuwa Somalia iyo Itoobiya?
”Waxaan xad dheer la wadaagnaa Tanzania & Uganda oo uu gumaystuhu hal umad dhexda kala jaray,” ayuu yiri.
”Maxaan haddaba dhufaysyo uga qodnaa ama derbiyo iyo siligyo uga dhisnaa magaalooyin xuduudeedka Itoobiya iyo Somalia? Umad kasta oo lagu kala gooyey xukun dal waa inay xaq u yeeshaan inay si fudud iskugu tallaabaan. Aan ku dhaqanno deris wanaag oo dhowrno kala duwananaanta.” ayuu daba dhigay.
We have long Borders with Tanzania & Uganda. Some limited trade in essential goods is always conducted by communities who reside along boundaries. The colonialists split many communities down the middle. We don’t dig trenches or build walls/fences in our border towns with
— Farah Maalim EGH (@FarahMaalimM) April 1, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js