Post View....

Dowladda Somalia oo war ka soo saaray geeridii ku timid Nuur Cadde+Vedio

0
55

Wasiirka Warfaafinta XFS mudane, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii naxtinta lahayd ee ku timid Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya  Allaha u naxariistee , Nuur Xasan Xuseen (Nuur cadde) oo saaka ku geeriyooday Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ku tilmaamay Nuur cadde in uu ahaa halyeey usoo shaqeeyay Ummadda Soomaaliyeed xilli adag.

Allaha u naxariistee Nuur cadde ayaa labadii Todobaad ee lasoo dhaafay la xanuunsanayay cudurka Corona virus, isagoo ku jiray Isbitaalka Kings College eek u yaalla Magaalada London.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

#TACSIDA WASIIRKA WARFAAFINTA

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka AUN Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Posted by Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed on Wednesday, April 1, 2020

About Author