Post View....

Diyaarad dagaal oo duqeysay degaano ay ku sugan yihiin dad rayid ah

0
71

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar cirka ah oo xalay diyaarad dagaal ay ka fulisay gobolka Sh/Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa ka dhacday deegaano iyo tuulooyin hoos-yimaada degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Mid ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah loola beegsaday deegaanada Ceel-Wareegow, Kali-Caafimaad iyo tuulooyinka hoostaga, halkaasi oo uu sheegay inay ku dhaqan yihiin shacab u badan beeraley.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in duqeyntaan cusub oo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay ay ku reebtay wal-wal iyo cabsi xoogan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meelaha la duqeeyey mararka qaar ay yimaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku soo qaada gudaha degmada Awdheegle iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Mareykanka ayaa had iyo jeer weerarada dhanka cirka ahka fuliya koonfurta Soomaaliya, walow uusan weli wax war ah ka soo saarin duqeyntaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii taliska Mareykanka ee AFRICOM lagu eedeeyey in duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya ay khasaarooyin ka soo gaaraan dadka rayidka, islamarkaana aysan jirin cid kala xisaabtanta, walow talisku uu iska fogeeyey arrintaas.

 

About Author