Post View....

Dhageyso:-Puntland oo beenisey warar laga faafiyey qarixii Garoowe

0
64

Afhayeenka Ciidanka Booliska Puntland  Cabdi Waaxid Cabdulle Muuse ayaa beeniyey warar lagu baahiyey Baraha Bulshada,kaas oo lagu sheegay in askari ka tirsan Ciidamada Puntland uu isku qarxiyey Guddoomiyihii Gobolka Nugaal ee ku dhintey qarixii ka dhacay Garoowe.

Waxaa uu sheegay in warkaasi uu yahay mid sal iyo raad midna aanan laheyn,isla markaana dadka baahiyey ay yihinin kuwo doonaya inay ku ciyaaraan Sharafta Puntland.

Afhayeenka oo uu garab taagnaa askarigii la sheegay ina uu is qarxiyey ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Puntland ay yihiin uwo u taagan difaaca Puntland sidoo kalena Shacbaka looga baahan yahay inay la Shaqeeyaan.

Si kastaba qarixii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ku dhintey guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdi Salaan gu’jir,waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegtay Al-Shabaab.

About Author