Post View....

DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo si hoose ula heshiiyay C/naasir Seerar & Xidig

0
78

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in heshiis Qarsoodi ah ay wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed  Madoobe), iyo Madaxweynayaashii kale ee dhawaan lagu doortay Magaaladda Kismaayo ee kala ah C/naasir Seeraar iyo Xildhibaan C/rashiid Xidig.

Kulan qarsoodi ahaa oo ka dhacay Magaaladda Nairobi ayaa la sheegay in dhinacyada ay heshiis ku gaareen.

C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in dhinacyadda isku diidanaa doorashadii Magaaladda Kismaayo ka dhacday ay heshiis wada gaareen,islamarkaana lagu heshiiyay in Madaxweyne Axmed Madoobe loo daayo Xilka Madaxweynaha.

Dhanka kale Korneel Jookar ayaa sheegay in qorshaha Dowladda Dhexe ee ahaa In mesha laga saaro Madaxweyne Axmed madoobe uu fashil kusoo dhamaaday.

About Author