Post View....

Coronavirus:MD Trump oo xeeladda bedelay ka dib markii runta uu arkay

0
51

Ma jirto wax xilligan daah la saarayo oo qarsoon. Ma jirto rajo ku saabsan daweyn mucjiso ah amaba ganacsiyada oo dib loo furayo bartamaha bishan April.

“Qof walba oo Ameerikaan ah waxaan ka doonayaa inuu u diyaar garoobo maalmaha adag ee soo socda,” ayuu Donald Trump ku yiri shir jaraa`id oo uu qabtay galabtii Talaadada.

“Waxay noqon doonaan labo toddobaad oo aad iyo aad u xanuun badan.”

Dr Anthony Fauci (right), Director of the National Institute of Allergy and Infectious Diseases, waits for President Donald Trump to arrive at Tuesday's briefing in Washington DC. Photo: 31 March 2020

Xanuun sidee ah? Markii madaxweynaha la weydiiyay inta qof ee Ameerikaan ah ee u dhiman karta fayraska iyadoo ay jiraan dadaallada badbaadinta ah, wuxuu sheegay inay fiicnaan lahayd in khubarradiisa caafimaad ay taas ka jawaabaan.

Tirada dhimashada, (ee la qiyaasayo) waxay u dhaxaysaa 100,000 illaa 200,000. 15-ka April, illaa 2,214 oo qof oo Ameerikaan ah ayaa loo maleynayaa inay xanuunka u dhiman doonaan.

“Cidna ma diiddana inaan ku jirno xilli aad u adag,” ayuu yiri Dr Anthony Fauci, oo ah agaasimaha Machadka Cudurrada Faafa ah. “Waa sida ay tahay.”

Madaxweynaha ayaa isku dayay inuu hadalkan dhanka kale u rogo, isagoo sheegay in tirada dadka u dhimanaya xanuunka ay gaari lahayd malaayiin haddii aysan dowladdu wax ka qaban.

“Tusaale, Dad badan ayaa sheegaya inuu hargab yahay, balse maaha hargab,” ayuu yiri. “Waa wax xun.”

A man walks past refrigeration units used as makeshift morgues in New York City. Photo: 31 March 2020Lahaanshaha sawirkaREUTERS

Dabcan, toddobaad kahor ayay ahayd markii madaxweynaha qudhiisa uu isbarbardhiggaas sameeyay, isagoo sheegay in tirada kiisaskii hore ee xanuunka ay ka yareyd tan kiisaska hargabka amaba shilalka gawaarida.

“Sannad walba kumannaan qof ayaa nooga dhimata hargab,” ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa hadda soo ifbaxday khatarta xaaladdan ay leedahay.

Wuxuu ka hadlay inuu booqday qof ay saaxiibbo yihiin oo isbitaalka ku jira kaas oo qaba fayraska – “xoogaa waa qof da’ ah, wuuna culus yahay, balse waa qof adag” – Laakiin wuxuu markii dambe ogaaday inuu miyir beelay.

“Waxaan la hadlay qaar ka mid ah asxaabteyda, mana rumeysan karaan waxa ay arkayaan,” ayuu yiri.

Kala hadalka Mr Trump ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay siyaasaddiisa.

Maalmo kahor markii uu weeraray Barasaabka Michigan ee Dimuqraaddiga ka tirsan, Gretchen Whitmer, isagoo bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inay tahay qof aan wax tar lahayn, ayuu haddana madaxweynuhu u sheegay “inuu wada hadal fiican” la yeeshay uuna kala hadlay taageerada ay dowladdu siineyso gobolkeeda.

Jimcihii la soo dhaafay, wuxuu sheegay in haddii madaxda gobollada aysan isaga abaal u heyn, uusan la hadli lahayn.

Talaadadii, wuxuu soo qaatay wada hadalka uu la yeeshay barasaabyada xisbiga Dimquraaddiga ee California iyo Louisiana.

Trump ayaa sidoo kale iska difaacay eedeynta barasaabka New York, Andrew Cuomo, ee ah in gobollada lagu qasbay inay ku tartamaan suuqa qalabka hawada nadiifiya.

“Ma ahayn inay sidaas sameeyaan,” ayuu madaxweynuhu yiri. “Haddii ay taas dhacdo, waa inay noo yeeraan. Haddii ay si aad ah ugu baahan yihiin, waan ognahay.”

“Dadka qaar ayaa u maleeya inay u baahan yihiin balse uma baahna,” ayuu intaas raaciyay.

Baaqa cusub ee ka soo baxay Aqalka Cad wuxuu ahaa in la sii wado dadaallada samatabixinta muddo 30 maalmood oo kale; xitaa haddii ay xaaladdu ka sii darto toddobaadyada soo socda, dadaalka ayaa miro-dhalaya.

About Author