Post View....

Ciidanka Xoogga Dalka oo G/Hiiraan ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab.

0
47

Buulo-burte:-Howl-gal ballaaran oo ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen inta u dhaxaysa Degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayay ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Malleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka  41-aad, Guutada 5-aad , qaybta 27-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed , Dhamme, Cabduqaadir Cali Nuur ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sheegay in howl-galkooda oo Lug ahaa ay kasoo billaabeen Buulo-burte.

Wuxuuna intaa ku daray in xilligii ay howl-galka ku jireen ay Argagixisada Al-Shabaab kasoo badbaadiyeen Saddex Gaari oo xamuul ahaa, iyagoo doonayay in ay dhac iyo dil u geystaan Shacabka rakaabka ah.

About Author