Post View....

C/raxmaan C/shakuur “Koonfurta Kuuriya dadkeedu waa 50-Milyan, Corona Fayris- na doorasho ka ma celin, ma cidbaa laga..”

0
60

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa wuxuu soo saaray maanta duhurnimadii Qoraal uu kaga hadlayo sida ay u muhiim tahay in Doorashada Dalka aysan dib uga dhicin iyadoo Mar marsiyo la sameenayo.

Shacabka Koonfurta Kuuriya (South Korea) oo ka mid waddammada uu Fayraska Corona (COVID-19) sida weyn u galay ayaa 15-ka bisha April ee aan ku jirno doorasho u dareeraya. Iyadoo xaaladii ugu adkayd lagu jiro ayaa Xisbiyada oo ku loolamaya 300 oo kursi ee xildhibaanada Golaha Shacabka ka kooban yahay ayaa loo oggolaaday in ay labo todobaad ololahooda doorasho ku samaystaan.

Si loo ilaaliyo bedqabka shacabka Guddiga Doorashooyinka Qaran wuxuu dalbaday in dadka codka dhiibanaya ay af dabool (masks) xirtaan, lana cabbiro heer kulka jirkooda markii ay goobta cod bixinta soo gaaraan. Waxaa kaloo la siinayaa aalkolada jeermiska disha ee gacmaha la marsado, (sanitizer) iyo gacmo gashad (gloves)

Koonfurta Kuuriya dadkeedu waa Konton Milyan, Karoona Fayris na doorasho kama celin, ma cid kale ayaa laga yeelayaa in doorasho lama qaban karo ku marmarsiyooto. Cidii Karoona ku marmarsiyoon lahayd Koonfur Kuuriya ayaa kadabkiisa goysay.

Ma jirto cid aqbalaysa muddo kororsiga maalmahan miiska hoostiisa lagu abaabulayo. Haddii doorasho qof iyo cod ah la qaban waayey, tii 2016 kii oo madaxda haatan joogta xilka ku yimaadeen, ayaa la qabanayaa, haddii aan la qaban karin, waxaa la qabanayaa tii 2012kii la qabtay, hadii aan la qaban karin Baarlamaanka ayaa madaxda dooranaya, isaguna sanad ka dib ayaa doorashadiisa la qabanayaa. Ma jirto meel ama si doorasho loo baajin karo ee yaan la is ceebayn oo magaca la iska dilin, dalkana halis iyo hoog hor leh la gelin.

About Author