Post View....

Yaa Loo Saadaalinayaa Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed

0
77

Maanta oo talaado ah ayaa la filayaa Musharaxiinta xilka Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed inay khudbadahooda u jeediyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Illaa hadda waxaa la diiwaangeliyay shan Musharax oo u taagan xilalka kala an Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad & Guddoomiye Ku xigeenka labaad.

liiska Musharaxiinta la diiwaangeliyay ayaa kala ah sidan soo socota.

1:Xildhibaan Cali Saciid Fiqi u tartamida Guddoomiyaha Baarlamaanka

2: Xildhibaan Maxamed cabdiraxmaan Nuur u tartamida Guddoomiyaha Baarlamaanka.

1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed u tartamida guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed

2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed u tartamida guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow u tartamida guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay xilka Guddoomiyaha inuu ugu cad cad yahay Cali Siciid Fiqi oo ahaa Safiirka dowladda Somaliya ee Midowga Yurub, balse xilkaasi iska casilay.

Doorashada ayaa la filayaa maalinta Berri inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

 

About Author