Post View....

Xildhibaan Mahad Salaad Oo Weerar Culus Ku Qaaday Xukuumada Kheyre

0
80

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa gaarka ah Ee Facebook ayuu kaga hadlay Deyn dhaafka Soomaaliya loo sameenayo.

HALKAAN HOOSE KA AKHRSIO QORAALKA

Sadex sano oo faan iyo indhacadays raaxada nalooga qaaday natiijadii deyn cafinta Soomaaliya maanta waxay ku soo aruurtay in la yiraahdo Soomaaliya waxay gaartay marxaladda koowaad ee u qalmidda deyn cafinta ee loo yaqaanno Decision Point. Loona gudbay marxalada deyn cafinta kama dambeysta ah ee loo yaqaanno Completion Point oo la saadaalinayo in ay qaadan karto ugu yaraan 3 sano illaa iyo 16 sanadood!

Haddaba, waxaa in la iswaydiiyo mudan Nabad iyo Nolol maxay beenta intaas la’eg ummadda ugu sheegeen mise iyaga ayaa u qaatay marxaladda koowaad ee u qalmidda deyn cafinta in ay tahay deyn cafinta kama dambeysta ah ee loo yaqaanno Completion Point?!

Hon. Mahad Salad

About Author