Post View....

XASAASI: Diyaarada Ethiopian Airline Oo Jebisey Amarkii Soomaaliya Soo Rogtay

0
63

Dawlada Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay Amar ah in Diyaaradaha Duulimaadyada Caalamiga ah ka mamnuucday muddo labo todobaad ah inay yimaadaan Soomaaliya.

Madaarka Caalamiga ah Ee Cigaal Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka degtay Diyaarad Rakaab ka keentay Magaalada Adis ababa Caasimada Itoobiya.

Waxay Xad gudub ku tahay Arintaan sida la sheegay Amarkii Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada soo saartay.

Ilaa hadda ma jirto Go’aan rasmi ah oo ay ka qaadatay Dawlada Soomaaliya Amarkii ay jebisey Ethiopian Airline.

Dhawaan Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkada Ethiopian Airline waxay ku sheegtay in Duulimaadkeedii Soomaaliya ay joojisey iyo Dalal kale balse Soomaaliland ay sii wadi doonto,taas oo ka dhigan inay u heysato Awooda Saadaasha Hawada inay Soomaaliland leedahay.

About Author