Post View....

WHO: “Talaal iyo daawo cirib tirta COVID-19 in la helo waxay qaadanee sanad iyo bar..”

0
81

Muqdisho:-Hey’adda caasimadka aduunka ee WHO ayaa Sheegtay in ay ku howlantahay soo saaridda tallaal ama daawooyin soo afjari kara cudurka Coronavirus, taas oo dadaalka loogu jiro in la helo ay qaadan karto mudo ka badan sanad.

Agaasimaha guud ee ururka caafimaadka adduunka WHO Tedros Adanom ayaa shaaca ka qaaday in 45 dal oo dunida ah ay ku mashquulsan yihiin ka qayb qaadaashada tijaabooyin caafimaad.

Tijaabooyinkaas ayuu sheegay agaasimuhu in lagu sameeyo daawooyin laga yaabo in ay gacan ka gaystaan soo afjarida cudurka safmareenka ku noqday dunida ee Coronavirus, kaas oo hey’adan WHO ay u bixisay COVID-19.

Sidoo kale Agaasime Tedros wuxuu carrabka ku adkeeyay in sameynta daawooyinka iyo talaalka fayraska Corona ay qaadan karto muddo ku siman sanad iyo bar oo u dhigmaysa 18-bilood oo hadda kadib ah, maadaama sida uu sheegay ay adag tahay in si fudud lagu helo daawada cudurkan Corona.

About Author