Post View....

Weerar Bam Gacmeed dhaliyay Khasaare oo ka dhacay suuqa Bakaaraha

0
78

Muqdisho:-Weerar loo adeegsaday Bam-gacmeed ayaa maanta lagu qaaday ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, si gaar ah qeybta khudaarta.

Ciidamada lala beegsaday weerarkaas ayaa ku howlanaa canshuur aruurin ka socotay suuqa, waxaana la sheegay in halkaas ay ku geeriyootay haweeney ka mid aheyd dadka khudaarta ku iibiya suuqa, halka uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas nin kale oo shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay saxaafadda in markii Bamka lagu weeraray kadib ay ciidamadu fureen rasaas, iyadoo isla goobta ay durba gaareen ciidamo iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya, welina lama soo werin khasaare ka dhashay rasaasta ay fureen ciidamadu.

Dhanka kale laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarkaas ay wax yeeladu ka soo gaartay dadka shacabka ah.

About Author