Post View....

Wasiiro & Xildhibaano u ambabaxay Baydhabo si ay ula kulmaan laftagareen+Ujeedka Safarka

0
69

Guddi ka kooban 13 xubnood oo sgu jira Wasiiro & Xildhibanao ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay u ambabaxeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaale,waxaana kamid ah,Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow,Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Cabduqaadir Carabow iyo Xubno kale.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ,iyaga oo kala hadli doona tabasho ay ka qabaan saamiga Beelahooda laga siiyay kuraasta Xildhibaanada Baarlamaanka Koofur Galbeed ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Tan iyo markii lagu dhawaaqey liiska Xildhibaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa cabasho ay ka imaaneysay qaar kamid ah Beelaha Soomaaliyeed,kuwaas oo sheegay in aan la siin Xubnihii ay ku lahaayeen Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

About Author