Post View....

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii labaad ee cudurka Corona.

0
74

Wasiirka caafimaadka dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus kaddib markii baaritaan lagu sameeyay qofkaas.

Fowsiya waxay sheegtay in qofkan laga helay cudurka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka dibaddiisa oo maalmo lagu hayay xarun karantiil.

16-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya.

Wasiirka waxay sidoo kale sheegtay in la karantiilay dad looga shakinsan yahay cudurka kuwaas oo ka yimid dhinaca dalalka Shiinaha iyo Talyaaniga.

About Author