Post View....

Wasiir Cawad & danjire James Swan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

0
52

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

Waxa uu kala hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha.

Intii ay ku guda-jireen kulankooda, waxa ay si qoto dheer u falanqeeyeen horumarka laga sameeyay dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalka siyaasadeed ee Soomaalida si loo gaaro horumar dhanka nabadda ah iyo is-oggol ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka bilowga sanadka 2021.

   

About Author