Post View....

Wasaaradda Caafimaadka Somalia Oo Soo Saartey Farriin Ku Socota Dadka Safraya & Halis weyn oo laga digay

0
58

Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartey farriin iyo talooyin loo jeedinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee maraya safarada dhinaca dhulka ah si looga digtoonaado Cudurka Coronavirus.

Qraal kasoo baxey Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu shaaciyey 7 Qodob oo muhiim u ah dadka ku safraya dhulka & Badda intaba maadaama la hakiyey duulimaadyada Caalamiga ah,kuwaas oo looga baahan yahay inay qaataan.

Qodobada ugu muhiimsan ee ku jira farriinta Wasaaradda ayaa waxaa kamid ah in dadkua aysan u safrin wadamada laga helay Cudurka Coronavirus iyo inay dadku kala fogaadaan si aysan isku qaadsiin Cudurka.

Hoos Ka Akhriso Farriimaha iyo Talooyinka la siiyey Muwaadininta Soomaaliyeed.

 

About Author