Post View....

Wararkii ugu danbeeyay Ciidanka Dowladda Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan Laga Qabsadey

0
50

Wararka laga helayo deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaain in Maanta Barqadii ay Ciidamada dowladda dagaal kula wareegeen deegaankaas,kadib markii ay Al-Shabaab saaka qabsadeen.

Rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa goobjoogayaal sheegeen in saakay ay dagaal kula wareegeen deegaanka Deeynuuneey oo qiyaastii 25km dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Baydhabo,iyaga oo dadka ku nool deegaankaas ka codsadey inay la Shaqeeyaan.

Hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidanka dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Deeynuunaay,isla markaana dagaal saacad badan socdey ay dib ula wareegeen,sida uu Risaala u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya..

Dagaalka ka dhacay deegaanka deeynuunaay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhineten ilaa 6 Askari oo ka tirsan Cidianka Dowladda,hayeeshee Ciidanka dowladda ay haatan gacanta ku haayaan deegaankaas,kadib markii Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,basle Gudaha iyo daafaha Magaalada lagu arkayo Ciidanka dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka,kuwaas oo dhaq dhaqaqyo sameynay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah faahin ah kam bixin dagaalkaas Maanta deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ku dhex-marey Ciidamada Dowladda iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

About Author