Post View....

Vedio:Xaliimo Yareey oo soo saartey go’aan ku saabsan doorashada Somalia

0
65

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka xaliima Ismaaciil Ibraahi (Xaliima Yareey) oo shir jaraa’id Warbaahinta u qabatay maanta ayaa waxa ay labada gole ee Baarlaaanka federalka Soomaaliya ka dalbatay in ay dadajiyaan meel marinta dib u eegista sharciga xisbiyada si ay ugu gudbaan xisbiyo sax ah oo ay kumeel gaarnimada uga soo gudbaan ugana qeyb galaan doorashada 2020-2021.

Xaliima yarey ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in xisbiyada sida kumeel gaarka ah isku diiwaan galiyay ay soo buuxiyaan shuruudaha looga baahan yahay si ay ugu gudbaan xisbi rasmi ah.

Waxa ay ugu baaqday golaha isku dhafka ah ee u xilsaaran sugidda amniga doorashooyinka dalka in ay diyaariyaan qorshayaasha ay ku howlgalayaan ee sugidda amniga dorashooyinka.

Sidoo kale waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka dalbatay in ay ka qayb qaataan xaqiijinta iyo hergalinta howlaha muhiika u ah doorashada la filaayo in dhawaan ay dalka ka dhacdo.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

Xaliimo Yarey oo doorasho ku adkeysatay

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan Xaliimo Yareey oo ku adkeysatay in dalkaan ay ka dhicikarto doorasho qof iyo cod ah 2020-2021.

Posted by Caasimada Online on Sunday, March 22, 2020

About Author