Post View....

Vedio:Puntland oo lix qof karantiil ku gelisay magaalada Garoowe+Magacyada dadkaasi

0
89

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi karantiil lagu geliyey dad looga shakiyey cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus.

Ilo dhanka caafimaad ah ayaa Warbaahinta gudaha  u xaqiijiyey in dadka la karantiilay oo dhammaan rag ah ay gaarayaan illaa lix qof, kuwaas oo lag shakiyey xanuunka.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi oo iyagu iskood tegay xarumaha caafimaadka laga qaaday baaritaano, si loo ogaado xaaladdooda.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in raggaasi ay ka yimaadeen dalka dibaddiisa, islamarkaana ay dhowaan gudaha u galeen Puntland, gaar ahaan Garoowe.

Illaa iyo hadda ma jiro kiis ay shaacisay xukuumadda Puntland, balse waxaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi ka jirta cabsi baahsan oo la xariirta faafitaanka cudurkaasi.

Puntland ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo Corona, iyadoona ku dhawaaqay inay xirtay xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo Itoobiya.

Soomaaliya, gaa ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa la xaqiijiyey illaa haatan saddex kiis oo cudurka Coronavirus, kaas oo fara ba’an ku haya caalamka