Post View....

Vedio:Maamulka Gobolka Banaadir oo Mamnuucay in muddo 2-isbuuc ah lagu dabaasho Xeebta Liido,ayna furnaadaan goobaha lagu Caweeyo

0
74

Xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortega Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusii faafaya dalalka Caalamka.

Kulanka kadib Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in lagu dabaasho Xeebta Liido muddo la todobaad ah, isla markaana la xirayo Hoteellada iyo goobaha kale ee lagu Caweeyo ee ku yaalla Liido.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta u Akhrinayay Go’aanada kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa uu sheegay in la mamnuucay in xeebta liido la tego 06:00 subaxnimo ilaa 10:00 habeenimo.

Sidoo kale Maamulka Gobolka ayaa ku baaqay in la joojiyo shirarka la isugu yimaado iyo Xafladaha Aroosyada ah ee lagu qabto Muqdisho si looga hortego faafida Cudurka COVID-19.

Maamulada Hoteellada, Maqaayadaha iyo goobaha loo dalxiiska tego ayaa waxaa la faray inay diyaariyaan agabyo nadaafadeed oo looga hortegi karo faafida Cudurka COVID-19.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

Maamulka Gobolka Banaadir oo Mamnuucay in muddo 2-isbuuc ah lagu dabaasho Xeebta Liido,ayna furnaadaan goobaha lagu Caweeyo iyo meelaha kale ee bulshadu isugu timaaddo.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Mamnuucay in muddo 2-isbuuc ah lagu dabaasho Xeebta Liido,ayna furnaadaan goobaha lagu Caweeyo iyo meelaha kale ee bulshadu isugu timaaddo.

Posted by Dalsan TV on Tuesday, March 31, 2020

About Author