Post View....

Vedio:Korneyl Aadan Rufle” Kenya waxaa ay markale kusoo xad gudubtay Dhulkeena”

0
95

Korneyl Aadan Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dib u bilaawdey darbiga ay ka dhiseysay Xaduudka,kaas oo horey loo joojiyey.

Waxaa uu sheegay in qorshaha ay dowladda Kenya darbigaas ay ku dhiseyso ay soo bilaabeen sanadkii 2018 balse ay ka horyimaadeen dadka Shacabka,hayeeshee muddo kadib ay markale dib u bilaabeen.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi ku darey in Kenya darbiga ay ka dhiseyso in ka badan 50 Km oo ku wareegsan ilaa Xaduudka Raas Kanbooni,hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed aysan ku baraarug saneyn.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan darbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka ay la leedahay Soomaaliya,sidoo kalena ay kuso xad gudubtay dhulka Soomaaliya.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

Korneel Aadan Rufle” Kenya Waxa ay Markale Kusoo Xad Gudubtay Dhulkeena Si qaldan ayayna u dhiseysaa markale darbiga”

Korneel Aadan Rufle” Kenya Waxa ay Markale Kusoo Xad Gudubtay Dhulkeena Si qaldan ayayna u Dhiseysaa markale Darbiga”

Posted by SomNews Tv on Sunday, March 29, 2020

About Author