Post View....

Tramp oo soo rogay Xeerka Wax-soo-saarka Difaaca Maraykanka.

0
60

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku amray shirkadda General Motors (GM) in ay qalabka neefsashada u sameyso bukaannada la ildaran xanuunka Covid-19 oo kusii faafaya dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa soo rogay Xeerka Wax-soo-saarka Difaaca ee uu Maraykanka adeegsan jiray xilligii dagaalkii Kuuriya, kaasoo awood u siinaya in uu shirkadaha ku qasbo inay qalab u saameeyaan difaaca qaranka.

Trump ayaa sheegay in shirkadda GM “ay waqti luminayso” loona baahan yahay in la badbaadiyo noolasha dadka Maraykanka ah.

Maraykanka ayaa laga helay kiisaska ugu badan ee dadka la xaqiijiyay inuu ku dhacay cudurka uu keeno fayraska Corona caalamka oo dhan.

Trump ayaa horay u sheegay in aan loo baahaneyn amarkan, maadaama shirkadaha ay si khiyaarkood ah uga qeyb qaadanayaan la dagaallanka cudurka oo hadda ku dhacay in ka badan 100,000 oo qof oo Maraykan ah.

Madaxweynaha ayaa bartiisa Twitter ku qoray: “Waxa ay noo sheegeen inay si degdeg ah noo siin doonaan 40,000 oo ah qalabka uu bukaanka ku neefsado, hadda se waxa ay leeyihiin waxaan idin siin doonnaa 6,000 oo keliya, weliba dhammaadka April, lacag badan ayayna ku rabaan.”

Waxa uu si toos ah u beegsaday haweeneyda madaxda ka ah shirkaddaasi oo lagu magacaabo Mary Barra, isagoo ku tilmaamay “mid ku dheeshay” hogaanka General Motors.

Shirkadda oo caan ku ah samaynta gawaarida ayaa kala shaqeyneysay shirkad kale oo qalabkaasi samaysa lagu magacaabo Ventec Life Systems sidii ay agabkaasi neefsashada ka caawiya bukaanka ay ugu samayn lahayd warshadda GM ee ku taalla Kokoma, Indiana.

 

About Author