Post View....

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha oo ka digay in maciishadda la kordhiyo.

0
65

Muqdisho:-Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in maciishadda la kordhiyo.

Shirkaan Jaraa’id ee uu maanta ku qaabtay Ganaraal Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku saabsanaa digniin uu u diray Ganacsatada Soomaliyeed oo ah in aysan sara u qaadin maciishada quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.

Dhanka kale hadalaka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa wax badan u tari doonto Shacabka soomaaliyeed oo ka wal-walsan in lagu qaaliyeeyo maciishada qutul-daruuriga ah.

 

About Author