Post View....

Taliska CXD Soomaaliyeed oo ka war-bixiyay qasaarihii Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howl-galkii Jannaale.

0
56

Muqdisho:-Kornayl, Cismaan Shabeel oo ka mid ah Saraakiisha Ciidaanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee hoggaaminaysa howl-gallada ka socda Shabeellada hoose ayaa sheegay in ay dileen 142 Qof oo ka mid ahaa Malleeshiyada Al-Shabaab.

Cismaan Shabeel oo la hadlayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa intaas ku daray in 29 ruux ay dhaawaceen ,halka 18 kalana ay xabsiga dhigeen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa 1,500 oo Qoys u fidiyay gargaar kala duwan intii uu howl-galku socday, kuwaas oo ka cararay iska hor imaadyadii halkaasi ka dhacay.

About Author