Post View....

Taliska ciidanka Xoogga dalka oo shacabka Janaale ka dalbaday Hal arin oo halis ku ah Alshabab

0
59

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa shacabka deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Xoogga dalka ee qabsaday deegaanka Muhiimka ah ee Janaale.

Gaanshaale Xasan Saalax Cabdi Taliyaha Guutada Gorgor ee ciidanka xoogga ayaa sheegay shacabka deegaanka Janaale in ay kala shaqeynayaan hormarinta deegaanka sidoo kalana inaysan ku soo dhexdhuuman dagaalyano ka tirsan Al Shabaab.

“Waxaa tihiin dad Soomaali ah waxa aad xaq u leedihiin waxa ay xaqa u leeyihiin Soomaalida kale, wiilka Janaale jooga waxa uu waq u leeyahay wax barasho dadku caafimaad iyo hormarin ayay u baahanyihiin” ayuu u sheegay shacabka Janaale oo goob fagaare ah uu kala hadlaayay.

“Looma dulaysnaan karo wiilal yar yar oo maxkaxda laga khalday oo raba in ay cunaan dhiigiina aa deegaanka Maamulaayay, hadana anaga ayaa idin shaynaya” ayuu yiri Taliyaha guutada Gorgor.

Waxa uu sheegay in shacabka oo la shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka looga guulaysa karo Al shabaab isaga oo dalbaday wada shaqayn dhexmarta labada dinac.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo mareykan ah la wareegeen deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaas uu qaatay maalmo.

 

About Author