Post View....

Soomaaliya: Qof u shaqeeya UN oo laga helay Coronavirus.

0
52

Shaqaale ka tirsan xafiiska howlgalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa laga helay cudurka Corona, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobey.

Qoraal lagu soo qoray Twitter-ka ayaa lagu sheegay in qofka u ku sugan yahay gudaha Soomaaliya.

“Waxaan si dhab ah u qaadannaya cudurka safmarka ah si aan isugu diyarinno xakameynta kiisaska, waxaan sii wadeynaa tageerada aan siino wasaaradda caafimaadka si loo xakameeyo cudurka”

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya waxay dhankeeda xaqiijisay kiiskii saddexaad ee cudurka Corona oo laga helay qof ajnabi ah oo ku jira xerada Xalane ee ku taalla garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli dowladda Soomaaliya ay xaqiijisay qofkii labaad ee ku dhacay cudurka Corona gudaha dalka.

About Author