Post View....

Soomaaliya oo xayiraad ku soo rogtay duullimaadyada dalka gudahiisa.

0
67

Go’aan ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa Axadda maanta ah dhaqan gelaya, kaas oo lagu joojinayo gabi ahaanba dullimaadyada gudaha ee dalka.

Duullimaadyadan ayaa iskaga kala gooshi jiray gobollada dalka iyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo ay dalka horay u saarneyd xayiraad dhanka duullimaadyada caalamiga ah, si Coronavirus dalka looga xakameeyo.

Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ayaa bayaan ay horay u soo saartay ku sheegtay in la ogolaan doono oo kaliya duullimaadyada diyaaradaha sida gargaarka, gaar ahaan daawooyinka iyo raashinka, si loo xakameeyo faafidda cudurka Coronavirus.

Sidoo kale wasaaradda ayaa intaasi ku dartay in uu weli halkiisa yahay amarkii lagu joojiyey duullimaadyada caalamiga ah, isla markaana ay xanibaadaasi sii jiri doonto illaa amar dambe uu kasoo baxo wasaaradda duulista hawada .

Dhamaan shirakadaha ka shaqeeya duullimaadyada ka howlgala gudaha dalka ayey wasaaraddu ka dalbatay in ay u hoggaasamaan amarkan lagu joojinayo laga bilaabo Axadda maanta ah duullimaadyada iskaga kala goosha gudaha dalka.

About Author