Post View....

Soomaaliya oo gaartay Marxaladda u qalmida deyn cafinta (Decision Point) & khayre oo ku farxay

0
64

Soomaaliya ayaa gaartay Marxaladda u qalmida deyn cafinta ee Decision Point, kaddib markii ay heerar kala duwan soo martay hannaanka deyn cafinta oo soo bilowday sanadkii 2011.

Hey’adda IMF ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah ugu dhawaaqdo go’aanka u qalmida deyn cafinta ee Decision Point, kaddib markii dowladda Federaalka ay ku guuleystay inay soo dhameystirto hannaanka maamulka iyo maaliyada, ka gudbida barnaamijka SMP 4.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xilli dambe waxaa khadka taleefanka kula soo xirirtay Agaasimaha IMF Kristalina Georgieva, isaga oo uga mahadceliyay waqtiga ay ku qaadatay inay soo wacdo gabagabada shirkii Guddiga IMF, iyadoo u xaqiijisay warka la wada sugayay ee ah in Soomaaliya ay gaartay marxalada u qalmida deyn cafinta Decision Point.

Kaddib go’aanka maanta ee IMF ku dhawaaqi doonto ee ah in Soomaaliya u qalanto in deynta laga cafiyo, waxaa ku xigi doonta in la qaado tallabooyinka ugu horeeya in deynta la cafiyo oo qaadan karta illaa saddex sano, waxaana la saadaalinayaa in marka ugu dhow dahay ay gaari karto sanadka 2023.

Marxaladda dhameystirka ee hannaanka deynta cafinta waa marka la gaaro Completion Point oo naga xiga sanado oo dadaal dheeri ah la muujiyo.

Halkan hoose ka akhriso warbixin bishii hore aan ka qornay heerarka ay soo martay hannaanka deyn cafinta:-

 

About Author