Post View....

Soomaaliland oo ku dhawaaqdey Arin halis ku ah Somalia.

0
68

Wasiirka horumarinta Caafimaadka Somaliland ahna gudoomiyaha gudiga qaran ee kahortaga cudurka Coronavirus ayaa Maanta ku dhawaaqey tallaabooyin ay uga hortagayaan caabuqa COVID 19.

Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laga bilaabo Maanta rakaabka asoo degaya garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa la heyn doono muddo 14 Cisho ah lana karantiili doono.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in dhamaan Soomaaliland ay xireyso laga bilaabo Maalinta Berito ah xaduudaheeda kaliyana la soo gelin karo Raashinka , shidaalka iyo dawooyinka,sidoo kalena ay geeyeen Ciidamo farabaan.

Wasiirka wuxuu sheegay in la fasaxay Shaqaalaha Xukuumadda marka laga reebo Shaqaalaha Garoomada diyaaradaha , dekedaha , bangiga iyo qeybo kamida shaqaalaha wasaaradaha ay ka mid yihiin caafimaadka iyo warfaafinta , iyo shaqaalaha dawladaha hoose,sidoo kalena Shaqaalaha qaar ayuu ku amrey inay guryahooda ku Shaqeeyaan.

Dhanka kale Soomaaliland ayaa aad uga digtoonaatey cudurka coronavirus,waxaana qaar kamid ah gobolada Soomaaliland la geeyey dhaqaatiir kala duwan,kuwaas oo dadka ka karantiilaay Coronavirus.

About Author