Post View....

Soomaali Ku Xayiran Libya & Dowladda Oo Ka Hadashay

0
59

Dhalinyaro Soomaali ah ayaa waxaa ay ku xayiran yihiin Magaalada Tripoli ee Caasimadda dalka libya,kuwaas oo halkaasi ku tagey qaab tahriib ah si ay ugu sii gudbaan wadamada Yurub.

Dhalinyaradaan oo ka tegay deegaannada Soomaaliland ayaa qaarkood waxaa ay gacanta u galeen Magafe oo ay siyaabo kala duwan uga baxsadeen,waxaana ay sheegeen inay xayiran yihiin una soo laaban karin Soomaaliya.

Mid kamid ah Dhalinyaradaas ayaa sheegay in ay saameyn ku yeelatay xayiraada dhinaca socdaalka ah ee ka jira Soomaaliya iyo dalal kale,kaas oo ah mid looga hortagayo Cudurka Coronavirus.

Dhinaca kale Safiirka Soomaaliya ee dalka libya Muxudiin Maxamed kaalmooy oo ka jawaabayey cabashada dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ayaa sheegay inaysan awoodin inay dadkaasi samata bixiyaan sababo la xiriira dhinaca dhaqaalaha.

Waxaa uu sheegay,isaga oo la hadleyey Idaacadda Voa-da in haatan ay jirto dhaqaalo yari keentey Cudurka Coronavirus oo dalal badan ay la tacaalayaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay dalka libya kasoo deysay dhalinyaro Soomaali ah oo u jiray Xabsiyada dalkaas,kuwaas oo sidoo kale uu saameeyey dagaalkii ka dhacay dalkaasi libya.

 

About Author