Post View....

Soomaali badan ayaa u dhimatay corona viruska magaalada Stockholm Sweden

0
76

Ururka dhaqaatiirta Sweden ayaa waxaa ay wargeyskooda maanta soo baxay ay ku qoreen tiradii u dhimatay cudurka coronaha oo walaac badan ku hay dalka Sweden, qoraalkaasi waxay ku sheegeen in magaalda Stockhom ay ku dhinteen shan iyo tobon qofood, lix ka mid ah dhalsho ahaa in ay ka soo jeedaan wadanka Soomaaliya.

Sidaasina waxaa xaqiijinaayo ururka dhaqaatiirta ee somali swedishka. Markii uu cudukaani  ku fidaayey dalka Sweden ma uusan  Jirin warbixin af soomaalia ah marka dad farabadan waxay u noolaayeen si caadi ah sidaas waxaa tiri Jihad Mohamed oo ka mid ah gudiga urukaasi.

Inta dhimatay intooda badan waxay qabeen cuduro kale, laakiin hal Nin oo 60 jir ahaa caafimaadkiis wuu fiicnaa wax cuduro oo uu horay u qabay ma jirin markii taariikh caafimaadkiisii la soo baaray, dad farabadan waxay ku noqotay naxdin mark ay maqleen geeridiisa, sidaasina waxaa tiri Jihad Mohamed.

Mas’uuliyiinta gobolka Stockholm ayaa sheegtay in ay dhinteen sagaal qofood oo u dhimatay cudurka Covid-19 laakiin way diideen inay sheegay dadka dhintay dhalashadooda.

Dadkaasi dhintay shan ka mid ah waxay degenaayeen xaafada Järfalla, sababta ay arintaasi ugu dhacday somalida sida ay Jihad Mohamed la tahay is Somalida inta badan ay deggen yihiin meelo ciriiri ah, ayna sahlan tahay in cudurka doaqso u faafo.

Tan kale oo loo sababaayo in uu cudukaasi uu somali badan uu ku faafo waa soomaalida oo caadi u ama dhaqan u ah in ay jecel yihiin in ay kulmaan, isutagaan iscaawiyaan gaar haan dada Iran in ay soo booqdaan iyo warbixin la’aan iyo wacyigelin la’aan haysato ummadda soomaaliyeed ee degen dalka Sweden.

Qormada oo aad u dheer waxaad ka akhrisan kartaa hadii aad Swedish taqaan halkan:

Läkarförening larmar: Flera svensksomalier bland coronadödsfall i Stockholmsområdet

https://www.svt.se/nyheter/inrikes/lakarforening-larmar-over-halften-av-de-doda-ar-svensksomalier

 

About Author