Post View....

Sawirro:Maxaa Ka Cusub Magaalada Garowe Oo Shir Maanta Ka Qabsoomay?

0
57

Fadhigii 12-aad ee Guddiga joogta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo ay wehelinayeen Gudoomiye ku xigeenka 1aad, Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad, Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa lagaga dooday qodobo ay ka mid yihiin xaalada Caabuqa Coronavirus (COVID-19) iyo Xaalada amniga dalka.

Guddiga joogta Golaha Wakiillada DPL ayaa dood dheer ka dib waxay u saareen Xubno ka mida Guddiga si ay ula shaqeeyaan Guddiga Xukumadda u saartay Caabuqa Coronavirus (COVID-19).

Dhanka kalena, Guddiga Joogtada Golaha Wakiillada DPL ayaa isku raacay in mudo 2 todobaad ah la xiro fadhiyada Guddiga.

     

About Author