Post View....

Safaaradda Somalia Ee Turkiga Oo Hal Arrin Awgeed U Joojisay Shaqada

0
66

Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiga dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa shaaciyay in  la joojiyay shaqooyinkii ay Safaaradda u qaban jirtay Shacabka Soomaaliyeed ee nool dalka Turkiga.

Safiirka ayaa waxaa uu sheegay in Shaqooyinka Safaaradda loo joojiyay sababo la xiriira Cudurka halista ee Coronavirus oo haatan fara ba’an ku yaalla dalal badan oo ku yaalla Caalamka oo uu kamid yahay dalka Tayaaniga oo boqlaal qof ay u geeriyoodeen Cudurkaas.

Sidoo kale Safiirka Soomaaliya Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in Safaaradda ay la socon doonto xaalada Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, isla markaana hadii Codsi deg deg ah uga yimaada Shacabka la tixgelin doono, iyada oo la haliyay shaqada.

Ugu dambeyntii Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa waxaa uu tilmaamay in muhiim ah tahay in la qaato tallooyinka Caafimaad oo ay direyso Wasaaradda Caafimaadka dalka Turkiga ee ku aadan ka ka hortega faafida Cudurka COVID-19, wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay qaataan Tallooyinka la jeedinayo.

Safaarado Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leedahay dalal badan ku yaalla Caalamka ayaa shaqadoodii joojiyay sababo la xiriirka  Cudurka Coronavirus oo dalal badan kusii faafaya, waxaana Cudurkaas u geeriyooday in ka badan 10,000 oo Ruux.

 

About Author