Post View....

Puntland oo war cusub ka soo saartay qaraxii Garowe ka dhacay

0
71

Maamul goboleedka Puntland ayaa war cusub ka soo saaray weerarkii is miidaaminta ahaa ee ka dhacay bartamaha magaalada Garowe ee caasimadda dowlad goboleedkaasi ee gobolka Nugaal.

Wasiirka amniga Puntland C/Samad Maxamed Gallan oo VOA-da uga waramay qaraxa ka dhacay magaalada Garowe iyo cida loola dan lahaa ayaa sheegay in kooxihii soo abaabulay qorshahoodu ahaa inay la beegsadaan saraakiisha hay’adaha amniga.

“Qaraxa loolama dan laheen in lagu khaarajiyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal, hase yeeshee ujeedada kooxihii ka dambeeyay falkaasi wuxuu ahaa inay la beegsadaan saraakiisha amniga” ayuu yiri Wasiir C/Samad Maxamed Gallan.

Waxaa kale oo uu sheegay in qaraxa u soo qabteen dad lagu tuhmayo falkaasi inay soo abaabuleen, isagoona sheegay in ilaa saddex ruux oo baaritaanka muujinayo lagu raad joogo, wuxuuna baaq u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadweynaha reer Puntland inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan hay’adaha nabadgelyada ku shaqada leh.

AKHRISO WARAR KALE OO XIISO LEH

Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay Wasiirka amniga Puntland in kooxaha argagixisada ah ujeedkoodu yahay sidii ay u carqaladeyn lahaayeen ammaanka iyo xasiloonida gobolka, isagoona tilmaamay muhiimadda ay leedahay in looga hortegi karo oo kaliya iskaashi dhex mara ciidamada ammaanka Puntland iyo dadka degaanka.

About Author