Post View....

PUNTLAND OO SI ADAG UGA JAWAABTA HADAL KA SOO YEERAY GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOOMAALIYA

0
61


Madaxweynaha dowladdq Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo qoraal kooban soo saaray, ayaa si adag uga jawaabay hadal ka soo yeeray guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka dowladda Federaalka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo maanta Warbaahinta la hadashay, ayaa labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ka dalbatay, in ay de-dejiyaan meel-marinta dib u-eegista Sharciga xisbiyada dalka.

Haddaba, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo saacado kadib u jawaabay guddigaas, ayaa hadalkoooda ku tilmaamay tallaabo lagu fashilinayo gogosha wada-hadalka Garoowe ee Puntland fidisay.

Madaxweyne Deni , ayaa sheegay in tani ay tahay, tallaabadii labaad jid-gooyo loogu dhiganayo Shirka Garoowe, isagoo tallaabadii kowaadna ku sheegay war-saxaafadeedkii wasiirada Federaalka ay Garoowe ka soo saareen.

“Guddiga Doorashada DFS hadalka ay hadda soo jeediyeen ma aha mid sharci waa-hore la ansixiyey lagu taageerayo, ee waxaan u arkaa mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay, waana talaabo labaad oo jid-gooyo ah, marka laga soo tago warsaxaafadeedkii ay Wasiiradu qabteen” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Xigasho: Puntland Posto

About Author