Post View....

Puntland oo ka laabatay go’aan ay ku xirtay Masaajidda iyo Dugsiyada Qur’aanka lagu barto.

0
43

Wasiirka Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo kulan gaar ah la qaatay Culimada, mu’adimiinta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxa uu wada tashi kala sameeyay go’aankii ay ku xireen masaajidda iyo Dugsiyada Qur’aanka lagu barto.

Wasiir Cawil waxa uu sheegay in Dowlad Goboleedka Puntland ay khafiifisay amarada oo ay dib u eegis ku sameysay, kadib talooyin ka yimid Culimada, Macalimiinta iyo mu’adimiinta.

War kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Puntland waxaa lagu sheegay in dhinacyadii kulmay ay isu raaceen in aan la xirin Masaajidda balse laga shaqeeyo nadaafadda goobahaas.

Si gaar ah waxaa la isugu raacay in la xiro Musqulaha, meelaha lagu weesaysto iyo goobaha laga shaki qabo in ay ka dhalan karto ilma-aragtada (Bacteria), si looga hortago faafidda Caabuqa Coronavirus.

Amar maalin kahor kasoo baxay Xukuumadda Puntland waxaa lagu fasaxay Goobaha Waxbarashada, waxaana lagu joojiyay isu imaatinka dadka, halka Masaajidda iyo Dugsiyada qur’aanka kariimka lagu barto lagu amray in la xiro.

 

About Author