Post View....

Puntland Oo Ka Hadashay Xildhibaan Lagu Diley Gaalkacyo+Yaa dilay Xildhibaanka

0
81

Kooxo hubeysnaa ayaa Bartmaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaaladaas oo lagu Magacaabi jirey Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle),iyaga oo goobta ka baxsadey,waxaana dilkaasi ka hadley Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in ragga hubeysan ay dhowr xabadood ku dhufteen,isaga oo kasoo baxey Xildhibaanka Goob Ganacsi oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,sidoo kalena ay dhaawaceen Askari kasoo hor baxay markii ay dilka geysteen,iyaga oo baxsanaya.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Xildhibaanka uu u geeriyoodey dhaawac culus oo soo geeray,hayeeshee ay haatan socdaan howlgallo kala duwan oo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilka Xildhibaanka,isla markaana ay ka Go’an tahay inay gacanta kusoo dhigaan.

Waxaa uu ku eedeeyey inay dilkaasi ka dambeeyeen Al-Shabaab,sidoo kalena uu sheegay in aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo qabtey dilka Xildhibaanka,balse uu rajeynayo in la soo qabto dadkii ka dambeeyey.

Magaalada Gaalkayo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto,mas’uuliyiin, Askar iyo dad kale,waxaana dilalkaas inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

 

 

About Author