Post View....

Puntland oo amartay in la xiro Masaajidada & Dugsi Qur,aanka

0
59

Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay, in mudda laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda ku yaalla gudaha Puntland, si looga hortaggo faafidda cudurka Coronavirus.

Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, oo maanta Warbaahinta kula hadlay Garowe, ayaa amar ku bixiyay in mudda laba todobaad ah la xiro dhammaan masaajidda iyo dugsiyada Qur’aanka ee ku yaalla degaannada Puntland, si looga hortago cudurkaas Coronavirus.

Wasiir Xaamud, ayaa sidoo kale culimaa’udiinka masaajidda iyo macalllimiinta dugsiyada Qur’aanka ku boorriyay, in ay si deg deg ah u dhaqan-geliyaan fulinta amarkaas, waxaana uu ku hanjabay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii aan u hoggaansamin amarka dowlada.

Go’aankan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii Puntland ay fasaxday dhammaan goobaha Waxbarashada iyo Xafiisyada dowladda, islamarkaana ay amar ku bixisay in la joojiyo kulamada dadweynaha iyo xafladaha Aroosyada, si looga hortago faafidda Coronavirus.

Somaliya ayaa hal kiis oo caabuqa Coronavirus laga helay, balse waxaa jirta dad kale oo laga shakisan yahay oo dowladda Somaliya ay karantiishay.

About Author