Post View....

Musharixiinta guddoonka Baarlamaanka KGS oo maanta la diiwaangelinayo+Magacyada Musharaxiinta

0
68

Magaalada Baydhabo waxaa maanta ka bilaabaneysa diiwaangelinta musharixiinta u tartameysa Guddoomiyaha iyo ku xigeenada koowaad iyo labaad ee Baarlaamanka Dowlad Goboleedka KGS.

Xubnaha Guddiga ayaa sheegay in maanta oo axad ah kuna beegan 29-ka Maarso iyo berri oo ah 30-ka bishaan in ay diiwaangelinayaan musharixiinta buuxisa shuruudaha ay hordhigeen Xildhibaanada ku haminaya u tartamidda Guddoomiyaha iyo ku xigeenada Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka KGS.

Warar Mustaqbal ay ka heleyso Magaalada Baydhabo waxa ay sheegayaan in Wasiirada qaarkood ku jira Xildhibaanada Koofur Galbeed ay ka baaraan degayaan shuruudda la hor dhigay ee ah in ay is casilaan kahor inta aysan doonan kaarka diiwaangelinta, maadaama Shuruud looga dhigay.

Saacadaha soo socda waxa uu qorshuhu yahay in xubnaha Xildhibaanada cusub ku jira ee katirsan Wasiirada Dowlad Goboleedka ee doonaya in ay qabtaan xilka Guddoonka Baarlamaanka ay iska casilaan xilka Wasiirnimo.

Xubnaha guddiga ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo waxa ay ku go’aamiyeen in maanta iyo berri la diiwaangeliyo musharixiinta, Arbacada oo ku beegan 1-da bisha April ay qabtaan Doorashada Guddoonkooda.

 

About Author