Post View....

Meydka Wiil Badda Ay Soo Tuftay Oo Laga Helay Xeebta Muqdisho & Booliska oo Baaritan wada

0
76

Maydka Wiil dhalinyaro ah oo badda ay soo tuftay ayaa laga lagu arkay inta u dhexeeysa Xeebta Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho iyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Meydka ay Badda soo tuftay oo Wiil dhalinyaro ah ayaa illaa hadda aanan la aqoonsan, waxaana goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Federaalka oo halkaas kasoo qaaday Meydka.

Sawirro laga soo qaaday Meydka wiilka laguna faafiyay baraha Bushada ayaa waxaa Jirkiisa ka muuqday dhaawacyo kala duwan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la geeyay Xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da.

Dhalinyarada kunool Magaalada Muqdisho ayaa inta badan u damaashaad taga Maalinta Jimcaha Badda, waxaana qaarkood la kulmaan dhibaatooyin kala duwan.

 

About Author