Post View....

Maxay tahay sababta cabitaanada liinta ay qaali uga noqdeen caalamka?

0
76

Qiimaha cabitaanka liinta ee caalamka ayaa lagu soo warramayaa in uu sare u kacay boqolkiiba 20 bishan, xilli dad badan oo caalamka ay doonayaan in ay helaan cunto ama cabitaan waxtar u leh jirka oo ka difaaci kara fayraska corona.

Dalabka liinta ayaa sare u kacay, waxaana dhanka kale hoos u dhacay dalagyada beeraha ee liinta.

Getty Images

“Xanuunka corona wuxuu saameeyay beeraleyda soo saara liinta noocyadeeda kala duwan, gaar ahaan liin-bambeelmada iyo kuwii iibsanayay. Cabitaankan xoojiya difaaca jirka ayaa ah mid aadka loo daneynayo hadda, mana jiraan duullimaadyo ku filan oo suuq iyo dalalka caalamka geeya liinta,” ayuu yiri Stephen Innes, oo ah khabiir wax badan ka yaqaana suuqyada caalamka.

Beeraha soo saara liinta ayaa sidoo kale waxaa heysta dhibataa kale oo ah in aysan heysanin shaqaale ku filan oo ka shaqeeya soo saarka liinta, maadaama xayiradaaha lagu soo rogay dalal badan oo caalamka ay keentay in dad badan aysan shaqo tegin.

Qiimaha liinta ayaa sare u kacay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii 2015, waxaana xilligan uu hoos u dhaca ku yimid suuqyada saamiyada ee caalamka.

Graph

Stephen Innes oo wax laga weydiiyay in sare u kaca ku yimid qiimaha uu wax ka badeli karo kuwa bakhaarada lagu keydiyo, wuxuu ku jawaabay: “saameynta aan joogsaneyn ee liinta iyo sare u kaca qiimaha waa mid dadka soo saara liinta ay usii gudbin doonaan dukamaada iyo dadka iibsada”.

Dad badan ayaa xilligan oo uu dunida ka jiro xanuunka corona ku baraarugay cabitaanka iyo cunista liinta, maadaama uu xoojiyo difaaca jirka ban’aadamka.

About Author